Xog cusub oo laga bixiyay ujeedka weerarkii Shabaab ee Xayaat Hotel.

August 23 (Jowhar.com-Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal Institute ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay ujeedka weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Jimcihii dhismaha hoteel Xayaat, halkaasoo ay ka dagaalameen wax kabadan 30 saacadood.

Samiira Gayd ayaa sheegtay in hadafka kooxdan ay u soo qaadeen weerarkaasi uu ahaa sidii ay uga falcelin lahaayeen hadaladii ka soo yeeray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha kaasoo ahaa iney duulaan ku qaadayaan Shabaab, iyagoo aaney u diyaarsaneynba xiligan, sida ay sheegtay

“Sababta ay weerarkaan usoo qaadeen waxaa suuragal inay ku talo jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen ku dhawaaqista bilowga ah ee madaxwenaha ku dhawaaqay oo sheegay inuu la dagaalami doono kooxda Al-Shabaab, waxayna u muuqataa farriin ay u gudbinayaan dowadda iyo shacabka,” ayey ku tiri wareysi ay bixisay.

Samiira Gayd ayaa dhinaca kale sharaxday sababaha dheereeyay in la soo afjaro duulaankan oo noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee Shabaabki ku heystaan dhismo ay ka dhex dagaalamayeen ayey arrintaasi sal uga dhigtay hoggaan la’aan heysatay ciidaamdii howlgalkaasi waday.

“Waxaan aragnay in ciidamada dowladda ay laba jeer badaleen ciidamadii howlgalka ku jiray, markaa aqoonteeda uga jawaabo waxay isbadalkaan fursad siisay kooxda weerarka soo qaaday, sidoo kale waxaa hakad galay howlgalka, sidoo kalana ma jiro hoggaan u diyaarsan weerarada noocaan oo kale.” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Si kastaba, Inkabadan 20 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat, waxaana ciidamadda amniga ku guuleysteen in dad ka badan 100 ruux oo caruur ay ku jireen ay ka soo badbaadiyaan weerarkan oo ku bilowday qaraxyo, dowladda waxey sheegtay iney isla xisaabtan dhexdeeda ah sameyn doonto.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.