Xaaladda Laascaanood iyo madaxweynaha Soomaliland oo ka hadlay
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka wali uu xiranyahay suuqa ganacsiga, iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay ay magaalada ka jireen dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dilalalka loo gaysto dadka magaalada oo uu ugu dambeyay siyaasi lagu magacaabi jiray C/fataax C/laahi Hadraawi.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo la sheegay in laga soo qaaday suuqa magaalada ayaa muujinaya goobaha ganacsiga oo xiran iyo waddooyinka oo cidlo ah.
Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dheeraad ah oo soo gaaray dadka dibadbaxa dhigayay hase-yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto faah-faahin rasmi oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dibaxyadii ugu dambeyay.
Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlay shaqaaqadaas ka dhacday Laascaanood, ayaa sheegay in ilaa 3 qof ay ku dhinteen isla markaana ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale.
“Waa mushkilad aanaan fileyn waa mushkilad naxdinteeda leh,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.
Dadka ayaa dalbanaya in wax laga qabto dilalka soo noqnoqday ee magaaladaas loogu gaysto dadka waxgalka ah.
Axmed Maxamed Maxamuud oo ka mid ah odayaasha Laascaanood ayaa BBC-da u sheegay in dadku ay kacsanyihin isla markaana ay ka doonayaan mas’uuliyiinta magaalada in la ogaado halka eelku ka jiro.
“Meesha dilal fara badan oo biri mageydo loo gaystay ayaa ka dhacay oo muddo dheer soo socday, dadku waxay dalbanayaan meesha maamulbaa jooga oo yiri innagaa ka dowlad ah marka meesha waxaani ka socdaan in la helo ayay dalbanayaan,” ayuu yiri Axmed Maxamed Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi oo qudhiisu qiray in dilalka ka dhaca Laascaanood ay yihiin kuwo soo noqnoqday ayaa sheegay in looga baahanyahay shacab iyo dowladba in aan laga daalin helidda halka ay dhibaatadu ka jirto.
Wuxuu ka dalbaday qaybaha bulshada ee gobolka Sool in xaaladda la xakameeyo oo ay ka shaqeeyaan in dhib dheeraad ah aanu dhicin.
“Waxay ila tahay dhexdheenna oo buuq ka dhaco iyo magaalada oo la arbusho iyo dhexdeenna oo dhibaato ka timaado daweyn maysee midnimadeenaa daweynaysa,”
Muuse Biixi ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid cadow uu ku soo dhex tuuray oo ah dagaal lagula jiro qaranka Somaliland. Wuxuu intaa raaciyay in hadda ay gobolka ku suganyihiin wasiirro, xildhibaanno iyo dhamaan mas’uuliyiinta gobolka waxaana uu ku booriyay in xaaladda laga howlgalo oo la dejiyo.
Credit: Source link