WHO oo qorsheyneysa ku dhawaaqidda dhamaadka Covid19.

Mar 12 (Jowhar.com) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO; ayaa sheegtay in ay ka fakareyso ku dhawaaqidda dhamaadka Covid19, iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xakameynayo caabuqa.

Madaxa WHO Tedros Adhanom ayey hay’addu sheegtay in uu go’aankan ku dhawaaqi doono marka uu latashiyo badan sameeyo kaddib.

WHO waxaa ay sheegtay in Covid19 uu hoos u dhac ku yimid hayeeshee ay ka walwalsantahay Hong Kong oo warisay kiisas dhimasho ah iyo China oo laba sano kaddib warisay 1000 kiis maalintiiba.

Hay’addo waxaa ay sheegtay in ka hor inta aysan go’aanka shaacin soo saari doonto habraacyada taxaddarka leh ee horseedaya in uusan soo laba kacleyn.
Covid19 oo la helay dhamaaadkii sanadkii 2019kii ayaa waxaa uu ku dhacay 455Milyan oo qof waxaana ku naf waayay 6Milyan oo qof caalamka oo dhan.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.