Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo AZerbaijan oo ka wadahadlay iskaashiga labada wadan

Mar 13 (Jowhar.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka zerbaijan Jeyhun Bayramov iyagoo ka qeybgalaya shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

Wasiirada ayaa ka wada hadlay arrimaha iskaashiga labada dal. Waxa kale oo ay dhinacyadu is dhaafsadeen fikrado ku saabsan iskaashiga ka dhexeeya dalalka ka tirsan hay’adaha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Dhaqdhaqaaqa Aan Isbahaysiga ahayn.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha gobolka Wasiir Jeyhun Bayramov ayaa dhiggiisa uga warbixiyay xaaladda gobolka ka dib colaadda.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ugu hambalyeeyay Asarbayjaan xaqiijinta midnimada dhuleed.
Sidoo kale kulankan ayaa loogaga hadlay iskaashiga dhanka waxbarashada, waxaana uu Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya bogaadiyay deeqaha waxbarasho ee ay Asarbayjaan. Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo kale oo khuseeya labada dhinac.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.