Wasaarada Arrimaha Dibbada oo sheegtay in 40 muwaadiniin Soomaali ah ay gaareen Romania

Mar 2 (Jowhar.com) Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya CabdiSaciid Muuse Cali ayaa wadahadal qadka taleefanka ah kula yeeshay Xoghayaha joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Romania Cornel Feruta .
CabdiSaciid Muuse Cali Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Romania ay gaareen 40 muwaadiniin Soomaali ah oo ka carartay dagaalada ka dhacaya wadanka Ukraine.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Arrimaha Dibbada Romania Cornel Feruta ayaa wadahadal qadka taleefanka ah ugu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali  in dowladiisu ay u oggolaatay muwaadiniintan Soomaalida ah  inay joogaan Romania iyo weliba in la siiyo marin ammaan ah oo ay ugaga tegi karaan wadankaas.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Ukraine ay u heli lahaayeen wadan ammaan ah,iyadoo xiriir joogta ah la leh muwaadiniintaas.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.