Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ukraine
Mar 3 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa uga digay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin in uu khalad weyn ka galayo Ukraine, isla markaana ficillada dowladdiisu ay qiimo weyn ku yeelan doonto Ruushka muddada dheer, sida uu sheegay sarkaal Faransiis ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Naftaada been baad u sheegaysaa, Waxay ku kici doontaa waddankiina lacag qaali ah, dalkiinu wuxuu ku dambayn doonaa go’doon, daciifnimo iyo cunaqabatayn muddo aad u dheer,”ayuu yiri Macron.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in albaabbada wadahadalka la furo, sida ay sheegeen labada dhinac ee Ruushka iyo Faransiiska.
Wadahadalka intii uu socday ayaa Madaxweynaha Faransiiska Macron uu ka codsaday Putin inuu ixtiraamo madaxweynaha Ukraine, qoyskiisa, qaraabadiisa, saraakiisha gobolka iyo wakiilada la soo doortay.
Dhinaca kale, Wadahadallada u dhaxeeya wufuudda Ruushka iyo Ukraine ayaa ka billowday meel aan la shaacin oo ku taalla xadka Ukraine.
Muuqaal kooban oo laga soo duubay ayaa muujinayay wafdiga Ukraine oo sii galaya qolka shirarka oo ay fadhiyeen wafdiga Ruushka.
Labada kooxood ayaa is gacan qaaday ka hor inta aysan fadhiisan si ay u bilaabaan wadahadalkooda.
Madaxweynaha Ukraine ayaa ugu baaqay quwadaha reer galbeedka inay gargaar militari oo dheeri ah gaarsiiyaan dalkiisa, isagoo uga digay militariga Ruushka inaysan ku joogsan doonin xudduudaha Ukraine haddii Moscow ay si buuxda ula wareegto.
“Haddii aadan lahayn awood aad ku xirto cirka, dabadeed i sii diyaarado!” Zelenskyy ayaa shir jaraa’id ku sheegay, isagoo tixraacaya diidmada Kyiv ee xulafada reer galbeedka si ay u dhaqan geliyaan aagga duulimaadka ka caaggan ee Ukraine.
Haddaan anaga [Ukrayn] aanu sii joogin, Latvia, Lithuania, Estonia ayaa ku xiga,” ayuu raaciyay.
Waaxda gurmadka degdega ah ee Ukraine ayaa sheegtay in ugu yaraan 22 qof ay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo Ruushka uu ka geystay gobolka Chernihiv ee waqooyiga Ukraine.
Credit: Source link