Wararkii u danbeeyay Shan QOF oo gaajo iyo haraad ugu geeriyootay GEDO.

Mar 16 (Jowhar.com) – Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Shan ruux ay gaajo iyo haraad ugu geeriyoodeen agagaarka degmada Ceelwaaq oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta ku dhufatay deegaanada Jubaland.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii dadka danta yar ay heli waayeen cuno iyo biyo ku filan, maadaama sare u kac xooggan laga dareemayo qiimaha la kala siisto maciishado, waxaana taasi ay keenty in nolosha dadka ku adkaato.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo uu ugu baaqay inay soo caawiyaan dadkaasi ku dhibaateysan degmada iyo duleedkeeda.

Waxa uu sheegay in hadii xaaladan adag lagu sii fiirsado ay sabab u noqon doonto in masiibo bini’aadanimi ay ku dhufato gobolka guud ahaan, wuxuuna qiray in bilaha soo socda la sii saadaalinayo in xaaladda ay sidan ka sii cuslaan doonto.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa dadka ku fiirsanaya dhibaatadan, iyagoo gobolka ku sii daad gureynaya oo kaliya hub iyo saanad ciidan, waxeyna dhegaha ka fureysanayaan baaqa dadka ee ah in lala gaaro baad iyo biyo ay noloshooda ku daboolaan.

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.