Waa kuma qofka loo xiray kursiga Hop124 ee uu ku fadhiyay C/raxmaan Dheere?

Mar 19 (Jowhar.com) – maalinimada Isniinta oo taariikhdu tahay 21-ka bishan waxaa Kismaayo lagu qabanayaa doorashada kuraas uu kamid yahay kursiga Hop124, kaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay Jubaland.

Kursigan waxaa 12-kii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay gacan yaraha taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Dheere, kaasoo sida haatan muuqata la dhaafiyay kamid noqoshada Aqalka hoose.

Sida wararku sheegayaan, kursigan waxaa loo xiray nin lagu magacaabo Maxamed Nadiif, kaasoo ahaa qofka C/raxmaan Dheere uga horeeyay kursiga, wuxuuna xildhibaan soo ahaa inta u dhexeysay sanadihii 2004 ilaa 2012.

Sidoo kale Nadiif sanadii 2012 wuxuu kamid ahaa musharixiintii isu soo taagtay xilka madaxtinimo, waana nin qunyar socod ah oo aan la garan karin koox uu ku xiran yahay, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha u sahlay qaadashada kursiga.

C/raxmaan Dheere ayaa sameeyay dadaal kasta si uu kursiga ugu soo laabto markiisii 4-aad balse waxaa arintaas liqi waayay madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo uu eersaday kaalintiisii muuqatay duulaankii ka dhanka ahaa Jubaland ilaa heer uu gaaray inuu soo kala furo Jubaland iyo wasiirkeediii Amniga C/rashiid Janan.

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.