Villa Soomaaliya oo xog cusub ka bixisay wadahadalada Xasan Sheekh iyo Abiye Ahmed

Sept. 28 (Jowhar.com)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah faahisay ujeedka rasmiga ah ee socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bole. iyadoo Labada Mas’uul wada hadalo ku yeelanayaan Addis Ababa, iyagoo uga hadlaya xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo danaha ay wadaagaan.

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya iyo kulan uu la…

Dowladda Soomaaliya oo laba qodob hordhigtay Canada si…

“Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Addis Ababa oo ah safarkii u horreeyay doorashadiisa kaddib ayaa meesha ka saari doonta mugdi ku jiray sida uu ahaanayo xiriirka labada dal, wixii ka dambeeyay doorashadii 15 May ee Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Maamulka Abiy uu xiriir dhow la lahaa Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

villa soomaaliya oo xog cusub ka bixisay wadahadalada xasan sheekh iyo abiye ahmed villa soomaaliya oo xog cusub ka bixisay wadahadalada xasan sheekh iyo abiye ahmed villa soomaaliya oo xog cusub ka bixisay wadahadalada xasan sheekh iyo abiye ahmed villa soomaaliya oo xog cusub ka bixisay wadahadalada xasan sheekh iyo abiye ahmed

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.