Shirkadaha Diyaaradaha Premier Airlines iyo Fly National oo shaqo joojin lagu sameeyay

Mar 15 (Jowhar.com) –Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Durraan Axmed Faarax, ayaa amar ku bixiyay in shaqa joojin lagu sameeyo diyaaradaha kala ah Premair Airlines iyo Fly National oo uu leeyahay Axmed Diini oo ahaa sarkaal dhawaan Warbaahinta u sheegay in Wasiirku xiray faragelina uu ku hayo.

Qoraal ka soo baxay kusimaha Maareyaha Garoonka diyaaradaha ayaa lagu sheegay in ay dhaqan galayso amarka Wasiirka ee ruqsadaha loogagala noqday labada shirkadood ee Premier Airlines iyo Fly National.

Shalay ayaa kulan ay ku sameysan lahaayeen urur ay leeyihiin shirkadaha diyaaradaha ka howgala dalka uu ku dhamaaday natiijo la’aan waxayna madaxda shirkadaha diyaaradaha ku eedeeyeen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada inuu farogelin ku hayo shirkadaha diyaaradaha dalka.

Labadan shirkadood ayaa duulimaadyo maalin walba ku tegi jirey gobolada dalka iyo weliba wadamada deriska la ah dalka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.