Shinaha oo Soomaaliya ka caawinaya horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidka

Mar 16 (Jowhar.com) – Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ka caawineysa dhanka horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidkaa, Sidaas waxaa sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya.

Mr. Durran Axmed Faarax ayaa go’aankan ku dhawaaqay kadib kulan uu maanta la yeeshay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Amb. FEI Shengchao, iyagoo sidoo kale iska xog wareystay sidii loo joogteyn lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

”Dawladda Shiinaha waxay naga caawisaa dhinaca horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidkaa, Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in heerka Maamulka Hawadda la gaarsiiyo heerka A oo ah kan dunida horumartay ay joogto”Ayuu Yiri Wasiir Duran Farah.

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Amb. FEI Shengchao, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kulankan, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay dadaalada horumarineed ee mudooyinkii la soo dhaafay ay waday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.