Shiinaha oo Agab Ciidan ugu deeqay dowlada Soomaaliya

Mar 18 (Jowhar.com) – Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federal-ka Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nur ayaa ka gudoomay safiirka Shiinaha u fahiya Soomaaliya, Ambassador Fei Shengchoa kaalmo militari oo isugu jira gaadiid, Ambalasyo, iyo qalab kale oo ah kuwa lagu baaro miinada .

Xafladdii la wareegidda qalabkaasi oo ka dhacday dekaddda Muqdisho,waxaa kaloo ka qeybgalay madax ka socotay maamulka ciidamada .

Wasiirka ayaa sheegay in taageeradan ay timid wakhti munaasib ah marka loo eego dagaalka dawladda kula jirta kooxaha argagixisada sida Shabaab, ayna u adeegsan doono hawl-galada ka dhanka ah kooxaahaas.

“Waxan halkaan kula wareegayna kaalmo militiri oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhino dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taageradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah”, ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Deeqdan lagu wareejiyay xukuumada Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa maalin kadib markii uu booqasho ku yimid dalka Soomaaliya ergeyga cusub ee dowlada Shiinaha u magacawday Geeska Afrika.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.