Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga ATMIS ee magaalada Buulo Mareer

Wararkii u danbeeyay weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab ku qaaday deegaan ka tirsan Sh.Dhexe

May. 26 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee magaalada Buulo Mareer ee gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan oo dhacay aroortii hore ee saaka ayaa waxaa uu ku bilowday qaraxyo, waxaana xigqy dagaal toos ah

Laba ilo wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga ayaa sheegay in qaraxyo xiriir ah ay al-Shabaab ku weerareen saldhigga.

Xubin ka tirsan maamulka degaanka ayaa sheegay inay al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale Al-Shabaab lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada ku jiraan, ilaa haddana ma cadda khasaaraha weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madaxbannaan Loo xaqiijin karin xilligan.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.