Shabaab oo sheegatay in askar Uganda ah oo nool ay ku qabatay weerarkii Buula-mareer

Weerar Madaafiic Ahaa Oo Xalay Lagu Qaaday Magaalada Xarardheere

May. 26 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney guul weyn ka gaartay weerar aroortii hore ee saaka ay ku gashay xero ciidamada Uganda ay ku leeyihiin magaalqda Buulo-mareer ee gobolka Sh.Hoose.

War kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay warbaahinta kooxdaasi ayaa lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen 137 askari oo Uganda u dhashay, ayna gacanta ku dhigeen xerada kadib markii ay cagta mariyeen ciidankii ATMIS(ex-AMISOM) ee halkaasi ku sugnaa.

Shabaab waxey sidoo kale sheegteen in duulaankan oo qaraxyo Ismiidaamin ahaa ku bilowday ay ku qabteen askar Uganda oo nool, kuwaasoo haatan ay maxbuus ahaan u heystaan.

Dhinaca kale, taliska ciiidanka ATMIS ayaa war kooban kasoo saaray weerarkan, iyagoo xaqiijiyay in lala wareegay saldhigoodii degmada Buulomareer.

Si kastaba, Saddexdii bishii may ee sanadkii 2022, Alshabaab ayaa weerar culus oo kan lamid ah ku qaaday saldhiggii ciidanka Burundi ee degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.