Shabaab oo baahisay xogta Ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii Galcad
Apr. 23 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay xogta ninkii isku qarxiiyay saldhigii ciidmada Danab ee magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Barnaamij kooxda ay ka diyaarisay weerarkaasi waxaa kasoo muuqday Abshir Caamir Isxaaq oo ahaa ninka Ismiidaaminta ugu horeysay ee lagu furay weerarkaasi fuliyay, iyadoo intaasi kadib ay kooxda dagaal toos ah ku gashay magaalada oo ay kala wareegtay ciidanka Danab.
Waxa uu wareysiga uu bixiyay ku sheegay inuu ka soo dagaalamay gobolada Baay iyo Galgaduud ee hoostaga maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug.
Weerarka Galcad oo dhacay bishii January ee sanadan waxaa lagu dilay Gen Xasan Tuur oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo askar ilaalo u eheyd
Credit: Source link