Safiirka Mareykanka oo ka hadlaya talaabada ay qaadayaan hadaan beri la soo dhameystirin xildhibaanada.

Mar 14 (Jowhar.com) –Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa soo bandhigay talaabooyinka ay qaadayaan hadii maalinimada beri ah aan la soo dhameytirin xildhibaanada harsan ee golaha shacabka.

Waxa uu sheegay iney jiri doonaan shaqisyaad hor leh oo ay ku dari doonaan liiska dadka  ay u diidayaan markii ay dalbadaan dal ku galka Mareykanka ama laga joojin doono helitaanka Fiisooyinkii horey ugu dalbanaa, wuxuuna ka digay in dib u dhac kale uu hareeyo doorashada xildhibaanada aqalka hoose.

“Haddii waqtiga kama dambaysta ah ee lagu heshiiyey ee ah 15- Bishan aan la ixtiraamin, markaa waxaan mar kale liiska ku dari doonaa magacyo cusub oo kamid ah dadka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka,” ayuu yiri danjire André u sheegay Idaacadda Goobjoog.

Sida laga warqabo, Illaa hadda waxaa la doortay 225 xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana dhiman 50 kursi si loo dhameystsiro 275 xubnood ee Aqalka Hoose.

Si kastaba, Doorashada illaa hadda lasoo gaba-gebeeyey ayaa ah tan Reer Waqooyiga iyo Banaadiriga, ayada oo maamulka Koonfur Galbeed la filay inuu isla berri soo geba-gebeeyo, ayada oo uu qabanayo kuraastii ugu dambeysay.

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.