Sacuudiga oo dib u furaya dhoofka xoolaha Soomaaliya

Mar 15 (Jowhar.com) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib u fasaxday xoolihii Soomaaliya laga dhoofin jiray ee la geynayay dalka sacuudiga, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay xayirnaa.

Heshiis dib u bilaabista dhoofka xoolaha ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daahfuray munaasabad ballaaran oo ay dowladda Soomaliya ku shaacinaysay dib u furista xoolaha ay Soomaliya u dhoofin jirtay dalka Sacuudiga.

 

Wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ay dadaal dheer ku bixiyeen wasaaradda, madaxda dalka iyo ganacsatada qaar. Soomaaliya si toos ah xoola uguma dhoofin Sacuudiga tan iyo sanadkii 2016-kii.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.