Saameynta uu Qaraxii Zope 2 ku yeeshay Nidaamka Daryeelka Caafimaadka.

Nov. 19 (Jowhar.com) -Masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dadka sababaan si joogto ah ayay uga dhacaan Soomaaliya. Tallaabooyin kala duwan ayay hore u qaadeen dawladda Soomaaliya, ururrada caalamiga ah, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan; si ay uga falceliyaan musiibooyinka.

Haddaba, qaraxii Zope ka dhacay Octoobar 29 waxa uu sababay shilalka khasaaraha badan (mass casualty incidents), taasoo macnaheedu yahay in maareynta musiibadu ay ka awood badatay gargaarka caafimaadka degdegga ah, tiro ahaan iyo saameynba. Sidoo kale, waxaa culeys badan soo koray Nidaamka Daryeelka Caafimaadka Soomaaliya, oo markii horeba liitay, waxaana hoos u dhacay tayada daryeelka bukaannada ku dhaawacmay qaraxa.

Adeeg-bixinta Caafimaadka oo hakad galay!

Sida caadiga ah, adeegyada daryeelka caafimaadka ee joogtada ah waa in ay shaqeeyaan xilliyada musiibooyinka, balse maalmihii lagu guda jiray daaweynta bukaannada ku dhaawacmay Qaraxii Zope ka dacay Octoobar 29, waxaa istaagay adeegga caafimaad ee aas’aasiga ah ee ay bixin jireen isbitaallada dhaawacyada la dhigay. Waxaa la xiray qeybta bukaan-socod-eegtada, waxaana hakad galay tallaalka carruurta, talo-siinta hooyada uurka leh iyo bukaannada qaba cudurrada raaga kuwaas oo qaadan jiray daawooyin joogta ah. Sidaas si la mid ah, waxaa hakad galay daryeelka caafimaadka ee heerka labaad, bukaannada jiifay isbitaaladana way ku adkaatay in ay helaan daaweynta caadiga ah ee isbitaalka waqtiga loogu talogalay, halka dib loo dhigay qalliimada la qorsheeyay.

Tayada daryeelka dhaawacyada!

Marka ay dhacaan shilalka khasaaraha badan, waa in si degdeg ah loo kala saaro dhaawaca; si bukaannada halista ah loogu qaado xarumaha caafimaadka. Haddaba, xirfad-la’aanta iyo khibrad-xumada shaqaalaha Ambalaasta waxay sababtay in la isla sugo dhaawacyada, mararka qaarna la isla soo qaado dhaawacyada iyo meydadka. Si kastaba ha ahaatee, arrimahaas oo is biirsadey waxay kordhiyeen tirada dhimashada oo laga hortagi karay.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay, shilalka khasaaraha badan waxaa lagu daaweyn jiray isbitaallada Madiino iyo Kaysaney oo ay caawiso Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC). Sannadkii 2007, waxaa ku soo biiray Isbitaalka Dayniile oo ay maamuli jireen Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn. Wixii ka dambeeyay 2014-kii, inta badan dhaawacyada waxaa lagu daaweeyaa isbitaalka Ex-Digfeer. Haddaba, qorsho-xumada iyo iskuduwid-la’aanta jirtay owgeed ayaa bukaannada qaar loo qaaday isbitaallo aan u diyaarsaneyn maareynta Shilalka Khasaaraha Badan, waxaana dib-u-dhac ku yimid gargaarka degdegga ay bukaannadu u baahnaayen habraaca isbitaaladaas owgeed.

Dhinaca kale, dhaawacyada inta badan waxaa lagu daaweynayay isbitaallada Madiino iyo Ex-Digfeer, taasna waxay kordhisay culayskii shaqo ee isbitaalladaas. Shaqaalaha caafimaadka ayaa shaqeynayay 48 saac oo xiriir ah, mana jiraan shaqaalo kayd ah oo u diyaarsan maareynta Shilalka Khasaaraha Badan. Labadaan arrimood oo is biirsaday waxay sababeen in bukaannadu sugaan in ka badan 6 saacadood helidda gargaar degdeg ah, ama in la jiifiyo qeybta Bukaan-jiifka, arrintaas ayaana sare u qaadi karto tirada dhimashada.

Culeyska shaqo ee saaran Isbitaallada Madiina iyo Ex-Digfeer!

Boqollaal dadweyne ayaa soo buux dhaafiyay isbitaalada Madiino iyo Ex-Digfeer, kuwaas oo isugu jira qoysaska dhibbanayaasha, mutadawicin, wariyayaal iyo deeqbixiyayaal kuwaas oo saameyn ku yeeshay howlihii isbitaalada. Intaa waxaa dheer ma jirin qorshe lagu wajahaayo xog-siinta warbaahinta, caawinta qoysaska dhibbanayaasha, asturidda meydka, iyo deeqaha la keenay.

Waxaa xusid mudan in warar been abuur ah oo ku saabsan xaqiiqda jirta la faafiyay taas oo sababtay in dhiig-bixiyayaal aan loo baahneyn ay soo buux dhaafiyaan isbitaalada, culeys weyn ku noqotay shaqaalaha isbitaalka. Dhinaca kale, deeqo kala duwan ayaa isbitaallada la geeyay. Isbitaalada qaar maaraynta deeqaha waxay noqotay shaqo gaar ah, waxayne caqabad dheeraad ah ku noqdeen howlahii gurmadka ahaa ay socday. Caqabad kale ayaa aheyd caawinta qoysaska iyo asxaabta dhibbanaha si ay xog u helaan.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah; MAXAA KHALDAN?

Qorsho-la’aanta Hay`adda Maareynta Masiibooyinka!

Ka jawaab-celinta Shilalka Khasaaraha Badan kuma koobna nidaamka caafimaadka kaliya, waxaa lama-huraan ah wadashaqeynta dhammaan hay’addaha kale ee dowladda, si loo yareeyo khatarta caafimaad iyo cawaaqibka ka dhalan kara masiibooyinka.

Bishii Juun ee 2016, Madaxweyaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saxiixay XEER LR. 17/2016 oo ah Xeer Dhismaha HAY’ADDA MAAREYNT MUSIIBOOYINKA.  Qodobka 3aad, faqradda 2aad ee xeerka waxuu qeexayaa ujeeddooyinka hay’adda loo dhisay oo ah Maareynta iyo Maamulidda dhammaan Masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dadka sababan ee ka dhaca dalka. 6 sano ka dib, Hay’addu ma lahan qorshe iyo siyaasad lagula tacaalo musiibooyinka. Haddaba, maqnaashaha Qorshaha Ka-hortagga Masiibooyinka Qaranka (National Disaster Response Plan) waxaa ka abuurmay isku-dhexyaac iyo iskuduwid-la’aan maareynta musiibada dhacday. Waxaana la magacaabay guddiyo kala duwan oo is-barbar-yaacaya.

Si kastaba ha ahaatee, ka-ilaalinta nidaamka caafimaadka culeyska daran waa in uu noqdaa mudnaanta dowladda. Si looga gudbo qorshe la’aanta dalku waa in uu yeeshaa qorshe u diyaarsan masiibooyinka oo si fiican u qeexan, kaas oo suurtagelinaya in si degdeg ah wax looga qabto dhammaan aafooyinka oo ay ka mid yihiin qaraxyada iyo cudurrada faafa. Qorshahaasna waa in uu si cad u qeexaa jawaabaha su’aalahaan;

Haddii musiibo dhacdo; sida dab, qarax, dhulgariir, fatahaado, waa tee hey’adda adeegga koowaad bixineysa iyo midda caawineysa? Waa sidee habka iyo hannaanka loo howlgalayo? Waa kuma qofka sida tooska ah loola xiriiraayo? Maxay tahay kaalinta Maamulka Gobalka Benadir? Halkee ku yaallaan xarumaha iyo goobaha laga maareeyo lagana maamulo masiibooyinka?

Waaxda dhaawacyada ee Wasaaradda Caafimaadka oo maqan!

Marka la eego qaab-dhismeedka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ma lahan waax u qaabilsan dhaawacayda. Sidaas si la mid ah, ma aysan dajin qorshe loogu diyaargaroobay Shilalka Khasaaraha Badan (Mass Casualty Plans and Preparedness). Taas beddelkeeda, sida aan kor ku soo xusnay maareynta dhaawacyada waxaa kaalin mug weyn ah ku lahaa hay’addo caalami ah oo xil iska saaray daaweynta dhaawacyada, tababbaridda shaqaalaha, daabulidda daawada iyo agabka.

Ugu horreyn, waxaa muhiim ah in wasaaradda caafimaadka ay door hoggaamineed ku yeelato maareynta musiiboyinka, gaar ahaan qaraxyada iyo cudurrada safmarka ah. Tan labaad, wasaaraddu waa in ay abuurtaa waaxda dhaawacyada, lana timaadaa qorshe iyo siyaasad ay ku caddahay isbitaallada loo qorsheeyay dhaawacyda, tababbaridda shaqaalaha caafimaadka, iyo hannaanka ay ku caawineyso isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Baraarug la’aanta shaqooyinka kale ee aan daaweynta aheyn

Shilalka Khasaaraha badan, waa mid ka mid ah xaalado degdeg ah oo ay tahay in isbitaallada loo diyaariyo. Haddaba, iyada oo daryeelka bukaannada dhaawacan ay tahay mudnaanta koowaad, haddane waxaa muhim ah in la helo habraacyo lagu wajahaayo shaqooyinka kale ee aan daaweynta aheyn, sida: caawinta qoyaska dhibbanayaasha, maareynta meydadka, xogsiinta warbaahinta iyo deeq-bixinta.

Ugu dambayntii, waxaan hoggaanka dowladda ugu baaqeynaa in ay garowsadaan khatarta ka dhalan karta maareyn-xumada shilalka khasaaraha badan, maadaama aan la sadaalin karin goorta iyo goobta ay shillalkaas dhici karaan; ayna qaataan tallaabooyinka horetebinta leh, si loo yareeyo waxyeellooyinka ka dhasha shilalkaas, dalkaan iyo dadkaanna musiibooyinka soo noqnoqda looga samatabixiyo.

Waxaa qoray Dr. Hassan Kheyre, ku takhasusay nidaamka caafimaadka iyo Dr. Ibrahim Guled oo ka hawlgala isbitaalka Digfeer, ahna Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.