Rooble oo la kulmay Guddiga Qiimeynta Deegaan Doorashada Garbahaarey

Mar 6 (Jowhar.com) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey oo uu ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarreey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga ayaa waxa ay booqasho ku tageen magaalada Kismaayo iyagoo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland iyo weliba oday dhaqameedyada ka soo jeeda gobolka Gedo.

Doorashada xildhibanaada golaha shacabka oo la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 15ka bishan Marso ayaa waxaa magaalada Garbahaarey ay tahay magaalada kaliya ee aan weli lagu qaban doorashada Golaha Shacabka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.