Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ergeyga Geeska Afrika ee dowlada Shiinaha

Mar 17 (Jowhar.com) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabbilay Ergayga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabbilsan geeska Afrika Xue Bing.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta dowladda China ee gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Safarka uu Ergeyga cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday geeska Afrika ku yimid Soomaaliya ayaa qeyb ka socdaal uu ku tegayo toddobaadkan gudihiisa Waddamo ka tirsan gobolka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.