Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan isugu yeeray taliyeyaasha hay’adaha amniga iyo kuwa Amisom
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa Amisom ayaa wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ka siiyay warbixin dhameystiran oo ku aadan amniga guud ee dalka iyo qorshaha loo dajiyay sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
Rooble ayaa dhinaca kale Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa Amisom faray iney xoojiyaan wada shaqeyntooda, si ay uga adkaadaan cadawga, isagoo u soo jeediyay iney si joogta ah isaga warhayaan oo ay warbixino dhinaca amniga ah isa siiyaan.
Kulankan ayaa ku soo aaday xili dhawaan kooxda Shabaab ay weeraro culus ka geysatay magaalada Muqdisho, iyadoo bambaanooyin ku weerartay saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolka Banaadir, halka sidoo kale qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo mid kamid lagu bur-buriyay saldhigga degmada Kaxda ay ka geysatay dhamaadka bishii hore ee February.
Credit: Source link