Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka digey in abaarta ka jirta Soomaaliya ay sababi karto Macluul

Mar 14 (Jowhar.com) –Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka digay in abaartu sababi karto macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adkaan doonto in wax laga qabto.
Rooble ayaa digniintan ka sheegay kulan maanta uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka isagoo kala hadlay xaaladda abaaraha dalka oo maraysa meel khatar ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, isagoo u mahad celiyey dalalka ilaa hadda kaalmada soo gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed.

” Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hey’addaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaa ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed” Sidaas darteed waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaar daran iyadoo dadkuna ay u sii weheliso sare u kac ku yimid cuntada daruuriga ah.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.