Putin oo shaki galiyay jiritaanka dalnimo ee Ukraine haduu dagaalka sii socdo
Mar 6 (Jowhar.com) – Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku hanjabay inuu gabi ahaanba baabi’in doono jiritaanka dalka Ukraine, hadii ay isku dayaan iney sii wadaan colaada, isagoo wixii dhib ah ee dhacana mas’uuliyadeeda dusha uga tuuray.
Putin ayaa dhinaca kale meesha ka saaray wararka sheegay in Xukuumadiisa ay jab xoogan oo dhinacya kala duwan leh ay kala kulantay duulaanka oo galay maalintii 11-aad, wuxuuna ku faanay in labada todobaadba guusha ay dhankooda tahay.
“Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxan ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine, Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona” ayuu yiri Putin.
Hoggaamiyaha aqalka Kremlin-ka wuxuu sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga qabay inuu xeer militari ama xaalad deg deg ah kusoo rogo Ruushka, isaga oo sheegay in tallaabadaas la qaadayo kaliya haddii halis gudaha ama dibedda ah ay wajaheyso Russia.
Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, reer galbeedka waxay ku soo rogeen Ruushka cunaqabataynno dhowr ah oo ay ka mid yihiin in la xayiro hantida uu Mr Putin ku leeyahay dibadda iyo in tiro ka mid ah bangiyada Ruushka laga saaro nidaamka lacagaha caalamiga ah la isugu diro ee Swift.
Credit: Source link