Puntland oo maanta soo gabagabeysay doorashada Golaha Shacabka

Mar 18 (Jowhar.com) – Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntlan waxaa maanta lagu doortay lix mudane oo kamid noqonayo golaha shacabka, tani waxey ka dhigan tahay in Puntland soo dhameystirtay kuraastii u danbeysay.

Puntland waxey golaha shacabka ku leedahay 37 mudane, 16 kamid ah oo ka soo gala gobolka Bari doorashadooda Boosaasi ayaa lagu soo xiray, halka 21 kalena lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

5 kamida xubnaha maanta Garoowe lagu soo doortay ayaa ah xildhibaano cusub, halka qofka lixaad oo eheyd xildhibaa Sacdiya Yaasiin Samatar ay kursigeeda difaacatay, iyadoo lagu xasuusto mucaaradnimadeedii Farmaajo iyo sidii ay Firinbi ugu yeerisay.

Xubnaha soo baxay maanta ayaa kala ah;

Kurisigii ugu horreeyay ee maanta Garoowe lagu doortay ayaa ah HOP#073 oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac oo shalay qaatay Shahaada Musharaxnimada kursigaan.

Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse ayaa codeyn gacan-taag ah ku guuleystay #HOP073 kaddib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Cabdi Jaamac, waxa uu helay 101 cod oo ah dhammaan Ergadii codeysay. Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ku fadhiyay kursigaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa ku guuleystay #HOP199 Codeyn gacan-taag u dhacday kaddib markii ay tanaasushay Luul Abshir. kursigaan waxaa ku fadhisay Xaawa Yuusuf Axmed.

Cismaan Cali Yuusuf Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada DG Puntland ayaa ku guuleystay HOP#198 oo helay 97 cod, waxaa la tartamay Cabdiraxman Ciise Maxamed. waxaa ku fadhiyay Saleebaan Maxamuud Xaashi.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dib ugu guuleysatay Kursiga tirsigiisu yahay HOP#129 oo ay ku fadhisay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya kaddib markii ay heshay 99 cod, waxaa la tartantay Sacdiya Cabdullaahi Salaad.

Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay HOP#191 Codeyn gacan-taag ah, kaddib markii uu tanaasulay Maxamed Cabdixamiid Warsame. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Daahir Maxamuud Muuse.

Cabdirisaaq Xasan Axmed oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda DG Puntland ee PMPF oo codeyn gacan-taag ah ku helay 99 ayaa ku guuleystay HOP#221. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Daa’uud Maxamed Cumar (Bisinle).

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.