NISA oo gacanta ku dhigtay rag lala xiriiriyay weerarkii Xayaat Hotel.

August 23 (Jowhar.com-Ciidamadda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay 5 ruux oo lala xiriiriyay weerarkii kooxda Shabaab ay Jimcihii ku qaadeen hoteelka Xayaat, halkaasoo lagu dilay uga yaraan 21 qof oo u badnaa shacab aan waxba galabsan.

Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaadkan oo u badnaa rag ka shaqeeya dhismaha guryaha la qabtay iyagoo sawirran ka qaaday ciidamadda amniga ee howlgalka ku jira, taasoo dhalisay tuhunka keenay in xabsiga loo taxaabo.

Sarkaal sare oo amniga ka shaqeeya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in sawirrada ay ragan qaadeen lagu arkay Telegram ay adeegsadaan kooxda Shabaab, waxaana tilifoonadooda laga helay tixraaca dirista sawirradan.

“Waxey iska dhigayeen rag shaqo dhismo iska wata, dabaq noo dhaw oo naga sareeya ayey kor saarnaayeen, waxeyna tilifoono ku sawireen xogta howlgalka, meelaha ciidamadeena ay joogaan, midkii u horeeyay ayaan qabanay, tilifoonkiisa ayaan baarnay waxaana ka sii tixraacnay dadkii uu u diray dhamaantoodna hada waxey ku jiraan gacanta hay’adaha amniga” ayuu yiri sarkaalkan.

Si kastaba, Weerarka lagu qaaday Hoteelka ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka tirsan ciidamada amniga oo uu ku jiro taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac oo la sheegay inuu dhaawac fudud so gaaray.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.