Muuse Biixi oo u safray Jabuuti iyo Faysal Cali Waraabe oo diidan wadahadalka DFS.

Dec. 07 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa u duulay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana dalkaasi hore u joogay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wadahad ay yeelan doonaan Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo ay iska wareysan doonaan qaabka uu noqonayo wadahadal la filayo inuu u bilowdo xukuumadaha Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhinaca kalena, Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa kahor yimid wadahadal xiligan dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland, xili warbaahinta uu kula hadlay Hargeysa.

“Wada-hadal lala furo, Somaliland waxay u tixgalin doontaa  mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa’ilku ka taliyo ee Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID.

ENG. Faysal Cali Waraabe ayaa dhinaca kale sheegay in Muuse Biixi aanu xiligan heysan sharciyad uu Somaliland masiirkeeda go’aan uga gaari karo, maadaama sida uu yiri bishii hore ee November mudo xileedkiisa sharciga ah uu ku ekaaa.

“Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye,” ayuu markale yiri Injineer Faysal Cali Waraabe

Si kastaba, Somaliland sannadkii 2012 ayay markii u horaysay ogolaatay in ay la hadasho Soomaaliya, lakiin kadib wada-hadalo is xig xigay oo sannado socday wax natiijo ah oo la taaban karo lagama gaarin, Somaliland ayaa xukuumadii hore ee Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii la galay

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.