Musharaxiinta Doorashada 5 kursi oo lagu qabanayo Gaalkacyo oo la shaaciyay

Mar 5 (Jowhar.com)-  Guddiga doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyey magacyada musharaxiinta ku tartamaysa shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo doorashadeeda lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo.

Kuraastan oo ah kuwii ugu horeeyay ee lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku tartami doona illaa 13 musharax.

Mid ka mid ah kuraastan oo ah qoondada haweenka ayaa waxaa ku tartamaya illaa shan musharax oo ay ka mid tahay xildhibaankii hore ugu fadhiyay.

Kuraasta doorashadeeda berri ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo ayaa kala ah;

HOP013
HOP101
HOP001
HOP017
HOP060

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.