Maxkamadda ciidamadda oo laba qof saaka xukun dil ah ku fulisay.

Oct. 24 (Jowhar.com) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ku fulisay Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar oo laba doodaba ku eedeysnaa Falal dil ah iyo ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab.

Magacyada Axmed iyo Qoono ayay Caan ku ahaayeen raggan, waxaana ay Alshabaab ka tirsanaayeen ilaa 2014kii.

Ilaa iyo 4 qof ayaa la toogtay mudada ku siman Shanta sano ee uu xafiiska joogo madaxweyne Xasan Sheekh, horr waxaa loo toogtay laba askari oo mid dilay Wasiir Siraaji iyo mid kale oo uu dilay taliyihiisa ciidan.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.