Maxkamada ciidamadda oo laba qof ku toogatay magaalada Baydhabo

Mar. 19 (Jowhar.com)-Magaalada Baydhabo waxaa saaka xukun dil toogasha ah lagu fuliyay laba qof oo hore dilal uga geystay xarunta gobolka Baay.

Dar Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur ayaa lagu fuliyay xukunkii toogashada ah oo ay kal hore ku rideen heerarka Maxkamadda Ciidamada.

Sida wararku sheegayaan, marxuumiinta Midna hore ayuu u Dilay xaaskiisa halka kan kale uu Dilay askari ka tirsan Boliiska.

Cara tuurka oo ah woqooyiga Baydhabo ayay toogashadani ka dhacday Saaka, waxaana halkaasi usoo daawasho tagay shacab badan oo ay ku jireen ehelka dadka la tooganayay iyo kuwa qisaasta loo fulinayay.

maxkamada ciidamadda oo laba qof ku toogatay magaalada baydhabo

 

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.