Mas’uul ka tirsan maamulka Mandera oo lagu dilay gudaha Kenya.

Mar 1 (Jowhar.com)  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan ay u geysteen Mas’uul ka tirsan maamulka magaalada Mandera ee dalka Kenya, iyadoo dilka kadibna ay danbiilayaasha goobta isaga baxsadeen.

Sida wararku sheegayaan, Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera ee dalka Kenya Maxamad Cabdi Axmad (Jaak) ayaa la toogtay, waxaana la sheegay in dilkiisa ay fuliyeen koox Bistoolado ku hubeysan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Kenya ayaa warbaahinta gudaha ee dalkaasi u xaqiijiyay toogashada ninkan, iyagoo sheegay iney wadaan baaritaano la xiriira kooxaha falkan ka danbeeyay, waxa ay sidoo kale sheegeen iney hayaan raadka gacan ku dhiiglayaasha, iyagoo ku hanjabeen iney sharciga horkeeni doonaan.

Marxuum Maxamad Cabdi Axmad oo ku magac dheeraa Jaak ayaa mudo yar hayay xilkan, iyadoo sidan oo kale hore loo dilay mas’uulkii isaga kahoreeyay oo uu xilkiisa la wareegay.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dhisan Soomaaliya weerarana ka geysata dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa durba sheegatay mas’uuliyada dilka Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera, iyagoo ku goodiyay iney sii wadayaan beegsigan mas’uuliyiinta xillalka ka heysa gobolka waqooyi bari Kenya.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.