Mareykanka oo kordhiyey mas’uuliyiinta Soomaalida ee xayiraada lagu soo rogay doorashada darteed.

Mar 17 (Jowhar.com) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay iney kordhiyeen xayiraadaha dal-ku-galka (Visa)  ee ku soo rogeen mas’uuliyiinta Soomaalida kadib markii ay soo dhamaatay waqtigii lagu balamay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada oo eheyd 15-ka bishan.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.” ayuu yiri.

Antony Blinken ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay iney wal wal ku heyso dib u dhacyada aan kala joogsiga leheyn ee ku imanaya doorashada Soomaaliya, iyadoo madaxweyne Farmaajo mudo xileedkiisa dhamaaday 8-dii bishii February sanadkii hore ee 2021.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

Mareykanka ayaa wali laga heyn magacyada mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee xanibaadan dhinaca safarka ah uu saarayo balse shaqsiyaadkaas waxa ay soo bixi doonaan  kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah oo loo diidi doono, sida ay tilmaamayaan macluumaadka la helayo.

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.