Lafta Gareen oo kulan aan caadi eheyn isugu yeeray Xildhibaanada iyo Senatorada Koofur Galbeed.

Mar 18 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada laga soo doortay deegaanada maamulka Koofur Galbeed.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in kulanka oo Baydhabo ka dhacaya 20-ka bishan la filayo inuu noqdo shir wadatashi ah oo ku saabsan jiheynta doorashada dalka.

Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweyne Lafta Gareen uu kala hadli doono xildhibaanadan oo soo bixitaankooda uu isaga mas’uul ka ahaa dib u doorashada Farmaajo iyo arrinta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka dhacaya 20-ka bisha ayaa ka madax banaan mid kale oo la qorsheeyey inuu dhaco 25-ka bisha, kaasi oo qorshuhu yahay inay isugu yimaadaan xildhibaanada beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo doonaya inay sameystaan isbaheysi siyaasadeed oo wax looga beddelayo hanaanka awood qeybsiga xilalka sare ee dalka

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.