Koofur Galbeed oo shaacisay xiliga la qabanayo kuraasta ku harsan ee golaha shacabka

Mar 12 (Jowhar.com) – Koofur Galbeed ayaa soo gabagabeyneysa 15 bishan kuraastii u dambeysay ee deegaan doorashada Baydhabo, todobada kursi ee Baydhabo ayaa ku jira kursiga #HOP172 oo uu horay ugu fadhiyay Madaxweyne Lafta Gareen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay xaalada kursigan oo si weyn isha loogu haayo cida qaadan doonto, waxaa horay u soo baxay warar sheegayay in kursigan uu damac uga jiro Madaxweyne Lafta Gareen, halka warar kalena sheegayaan inuu siiyay Sodogiis Taliyaha Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan oo loo yaqaano Jeneraal Shub.

Kuraasta kale ee doorashooyinkooda la qabanayo ayaa kala ah; HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#164, HOP#181 & HOP#047, iyadoo Isniinta ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta, si talaadada loo qabto doorashada.

Si kastaba, Tani ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay noqotay maamul goboleedka ugu horreeyey oo dhaqangeliya jadwalkii u dambeeyey ee doorashooyinka oo ahaa in gabi ahaan doorashada xubnaha baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishaan Maarso.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.