Koofur Galbeed oo maanta soo gaba gabeyneysa doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Mar 15 (Jowhar.com) – Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada 7 kursi, iyadoo ay isa soo diiwaan galiyeen musharixiinta ku loolameysa, kuraastan ayaa ah kuwii ugu danbeeye ee ku harsanaa maamulka Koofur Galbeed.

Kuraasta maanta doorashooyinkooda la qabanayo oo waqti badan aan qaada doonin, maadaama la iska sii ogyahay xubnaha ku soo bixi doona ayaa kala ah;

Kursiga Koowaad oo sumadiisu tahay HOP#164 , waxaa ku tartami doona musharixiinta kala ah Abshir Maxamed Nuur Mandeela oo kamid ah Wariyeyaasha Magaalada Baydhabo & Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS Maxamed Abuukar Cabdi, kurisgan waxaa hore ugu fadhiyay  Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax).

Kursiga labaad oo sumadiisu tahay HOP#172, waxaa ku tartami doona Taliyaha Ciidanka Asluubta Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan & Maxamed Aadan Maxamed, waxaana kursigaan lagu matalayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen, iyadoo uu hore ugu fadhiyay Cali Cadow Maxamed.

Kursiga Saddexaad oo sumadiisu tahay Hop#181 waxaa ku tartami doona Maryan Macalin Isaaq oo kursigaan ku fadhisay iyo Asli Maxamed Isaaq.

Kursiga Afaraad oo sumadiisu tahay Hop#047  waxaa ku tartami doona Xaawo Sokor Cali iyo Musharrax kale, iyadoo ay kurisgan hore ugu fadhisay wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabsade oo booskan weysay markii walaalkeed laga dhigay senator katirsan aqalka sare.

Kursiga Shanaad oo sumadiisu tahay HOP#204 waxaa ku tartami doona Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag & Nuur Isaaq Sheekh, waxana kursigaan laga reebay oo doonayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, iyadoo uu hore ugu fadhiyay Macali Cali Aadan.

Kursiga Lixaad oo sumadiisu tahay  HOP#197 waxaa ku tartami doona musharixiinta kala ah Guddoomiyaha Gobolka Baay Cumar Cali Isaaq Balash & Maxamed Axmed Cabduraxmaan, waxaana hore ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre Cabdifitaax Ibraahim Geeseey.

Kursiga Todobaad oo sumadiisu tahay HOP#179 waxaa ku tartami doona musharixiinta kala ah Nuur Xuseen Cali & Maxamed Keerow Maxamed, iyadoo uu hore ugu fadhiyay Maxamed Axmed Garweyne oo meesha laga saaray.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.