Khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha Hirshabelle iyo Kuxigeenkiisa

Mar 7 (Jowhar.com)- Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa uu soo kala dhex galay khilaaf ku saabsan hannaanka loo marayo doorashada 11 kursi oo Madaxweynaha dhowaan fasaxay in la furo oo loo tartamo.

Ilo ku dhow dhow ayaa xaqiijinaya inuu khilaafka uu durba saameeyay Guddiga doorashada Hirshabelle oo lakala saftay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed, ayaa doonaya in shaqsiyaad gaara oo ay wadato Vila Soomaaliya loo xiro doorashada, halka Madaxweyne Cali Guudlaawe uu arintaasi ka horjeedo, waana taas mida banaanka keentay khilaafka labada mas’uul.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Qorshaha waxa uu ahaa in maanta ay is diiwaan geliyaan musharixiinta kuraastaasi u tartameysa, si doorashooyinkooda loo kala qabto maalmaha Talaalada iyo Arbacada, balse khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed ayaa sabab u noqday in doorashada dib u dhacdo, iyadoo aan la ogeyn xiliga la qabanayo.

11-ka kursi ee ku harsan beledweyn ayaa ah kuwa ugu adag, waxaana xubnaha kuraastaasi ku fadhisa haatan kamid ah Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Jeesoow iyo Xildhibaan Aamina Maxamed oo kursigeeda la siku dayayo sidii loo dhaafin lahaa sababo la xiriira sidii ay ugu dagaalantay Ikraan Tahliil oo sarkaal NISA ka tirsan eheyd.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.