Kenya oo waraaqaha Imtixaanka diyaarado ku geysay Dugsiyada Waqooyi Bari cabsi Shabaab darteed.

Mar 17 (Jowhar.com) -Dowladda Kenya ayaa diyaaradaha Helicopterrada ah u adeegsatay daabulidda waraaqaha Imtixaanka Dugsiyada sare oo todobaadkan billaamay.

Ciidamo farabadan ayaa loo daabulay goobaha ay ka dhacayaan Imtixaannada,waxaa sidoo kale la geeyay shaqaale badan oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee waddanka Kenya.

In ka badan 824,392 Ardey ayaa u fariistay Imtixaanka Dugsiyada sare ee Kenya waxaana waraaqaha Imtixaanka la geeyay 10,284 goobood oo xarumaha Imtixaanka ka dhacaya ah.

Hayeeshee Gobolka Soomaalida ayaa waraaqaha Imtixaanka oo markii hore Gaadiidka dhulka loo adeegsan jiray loo beddelay Diyaarad kaddib markii ay sare u kaceen weerarrada Al shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Onesmus Kyasth ayaa sheegay in sababo amni darro darteed ay ku kalliftay in ay adeegsadaan diyaaradaha si ardayda Gobolka Soomaalida loo gaarsiiyo waraaqaha Imtixaanka.

Waxaa uu sheegay in 56 goobood oo ay ka dhacayaan Imtixaannada Dugsiga sare la geeyay ilaalo ku filan si ay u xaqiijiyaan amniga goobaha Imtixaanka qaran.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.