Jubaland oo shaacisay xiliga la qabanayo kuraasta ku harsan Kismaayo.

Mar 15 (Jowhar.com) – Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyey Jadwalka Qabashada Doorashada 4-tii kursi ee ugu danbeysay ee deegaan doorashada magaalada Kismaayo.

Kuraastan oo kala ah #HOP029, #HOP124, #HOP133 iyo #HOP219 ayaa la qabanayaa 21-ka bishan oo ku beegan maalinimada Isniinta ah ee nagu soo aadan, sida ku xusan qoraalka ay guddiga soo saareen.

Kuraasta maanta la shaaciyay waxaa ku jiro kursiga Hop124 oo uu ku fadhiyay sanadihii la soo dhaafay C/raxmaan Dheere oo ah gacan yaraha taliyihii hore ee NISA , iyadoo ay u badan tahay inuu markan tartamin, maadaama ay ku adag tahay tagitaanka Kismaayo sababo ku aadan khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubaland.

Si kastaba, maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo dhameystiray xildhibaanadii ku harsanaa, iyadoo haatan ay harsan yihiin oo kaliya maamulada Puntland,Hirshabelle iyo Jubaland.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.