Inkabadan 100 Diblomaasi oo iska diiday dhageysiga khudbad uu xaaladda Ukraine uga hadlayay Sergei Lavrov.

Diblomaasiyiin ka socotay 40 Wadan oo caalamka ah ayaa iska diiday dhageysiga khudbad uu xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva ka jeedinayay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, iyagoo jawaab uga dhigayay naceybka ay u hayaan duulaanka todobaadka jirsaday ee Ruushka ku hayo Ukraine.

Lavrov ma aanu u hakan go’aanka ay ka qaateen inkabadan 100 Diblomaasi,wuxuuna iska sii watay khudbadiisa isagoo weerarka dalkiisa uu qaaday sabab uga dhigay xadgudubyo uu sheegay xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee lagu hayo dadka Ruushka tirada yar.

Dhinaca kale, Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Midowga Yurub in ay ku hawlan yihiin “Ruush nacayb” iyaga oo hubka wax gumaada siinaya Ukraine intii uu socday ololihii milatari ee Moscow oo bilowday Khamiistii hore.

Xaaladda Ukraine ayaa weli qasan, iyada oo duqeymihii u dambeeyey ay ku dhinteen 21 qof, kuna dhaawacmeen 112 qof oo kale.

Si kastaba, Dagaalka ayaa maanta galay maalintii toddobaad, mana muuqdaan wax astaamo ah oo muujinaya inuu joogsanayo inkasta oo wareeg labaad oo wada-hadallo ah ay u ballansan yihiin saraakiisha Ukraine iyo Ruushka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.