Guddiga soo xulaya ergada kuraasta ugu dambeysa ee Koofurgalbeed oo la shaaciyay
Mar 13 (Jowhar.com) – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Koofur galbeed ayaa soo saaray magacyada Odoyaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada 7 kursi oo deegaan dooraashadoodu tahay magaalada Baydhabo.
Kuraasta waxey kala yihiin tirsigooda: Hop#181, Hop#204, Hop#197, Hop#179, Hop#172, Hop#164 iyo Hop#047.
Kuraastan ayaa waxaa ka mid ah kursigii uu hore ugu fadhiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed kahor inta uusan qaban xilka madaxweynaha Koofurgalbeed.
Credit: Source link