Guddiga doorashooyinka heer federaal oo amray in la hakiyo doorashada kursiga HOP#204.

Mar 13 (Jowhar.com) -Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa amray in la hakiyo doorashada kursiga sumadiisu ay tahay HOP#204, kaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay maamulka Koofur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa sababta lagu sheegay iney tahay khaladaad ka jira habraaca la soo gudbiyay, iyadoo faah faahin intaasi ka badan aan la soo raacin qoraalkan lagu socod siiyay guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan doorashada kursiga HOP#204 inta laga saxayo habraaciisa” ayaa lagu yiri warkan.

Kursigan waxaa sanadihii la soo dhaafay aad u daneynayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaakiya C/qaadir Jaamac, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweyne Lafta Gareen uu kursigan u wado Wasiirka amniga maamulka Kiofur Galbeed.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.