Guddiga doorashada Puntland oo gudoomiye kuxigeen doortay.

Mar 16 (Jowhar.com) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta kulan ku yeeshay gudidga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulkaasi, iyadoo kulankooda ay ku doorteen gudoomiye kuxigeenka guddiga, iyadoo booskan uu banaanaa todobaadyadii la soo dhaafay.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Xubnaha Guddiga waxay Guddoomiye kuxigeen u doorteen Maxamuud Casayr Cabdulle Faarax kadib markii uu horey xilkan isaga casilay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Guddiga Ceynaanshe Yuusuf Xuseen, kaas oo loo doortay kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Gudoomiye kuxigeenka cusub oo laga soo dhex doortay gudidga ayaa amaanay shaqada ay hayaan, isagoo sheegay iney sii dar dar galin doonaan howsha hortaala iyo sidii cadaalad loogu qaban lahaa kuraasta ku harsan maamulka Puntland.

Guddigan ayaa gelinkii danbe ee shalay shaaciyay in 18-ka bishan oo ku beegan maalinimada Jimcaha ay ee todobaadkan ay soo gaba gabeyn doonaan doorashada Lixda kursi ee ku harsan maamulka ee taala magaalada Garoowe.

Puntland ayaa dooneysa iney noqoto maamulkii 3-aad ee soo gaba-gabeeya doorashada aqalka hoose, iyadoo Talaadadii shalay ay mamaulada Koofur Galbeed iyo Galmudug soo xireen doorashada, waxaana haatan harsanaanaya oo kaliya Jubaland iyo Hirshabelle.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.