Goodax Barre oo ka hadlay khilaafka madaxda Hirshabelle ee doorashada Beledweyn.

Mar 8 (Jowhar.com)- Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Beledweyn ayaa ka hadlay khilaafka banaanka u soo baxay ee u dhexeeya madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Goodax oo dadaal ugu jiri sidii uu dib ugu soo laaban lahaa kursigiisa ayaa sheegay iney garab buuxa u yihiin madaxweyne Guudlaawe oo uu ku sifeeyay shaqsi iska diidan damaca ah in kuraasta shaqsiyaad gaara loo xiro.

“Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri Goodax.

Waxa uu dhinaca kale ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta damaca madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyay in dhamaan 11-ka kursi ee ku harsan deegaan doorashada labaad ee Hirshabelle ay noqdaan kuwo furan oo si cadaalad ah loogu tartamo.

“Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan, Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.