Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho

Mar 17 (Jowhar.com) Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ka soo baxaya qarax caawa maqribkii ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo lala eegtay muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa haleelay gaari ay la socdeen muwaadiniin Turki ah iyadoo saddex ruux oo Turki ah iyo qof Soomaali ah ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Turkiga iyo weliba dowlada Soomaaliya ee la xiriira qaraxan.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaraxan uu ahaa mid ay ka dambeeyeen ayna waxyeelo ku gaarsiiyeen dad u dhashay dalka Turkiga.

Muwaadiniin badan oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo howlo kala duwan qabta,mana aha markii ugu horeysay oo weerar qarax ah lala beegsado.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.