Dowladda oo sheegtay in dagaal ka dhacay Hiiraan lagu dhaawacay Afhayeenka Shabaab.

Sept. 30 (Jowhar.com) -Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuid Raage Cali Dheere uu dhaawac ka soo gaaray dagaal shalay ciidanka dowaldda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo Shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel-qooxle oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida lagu baahiyay Idaacadda Codka Ciidamadda, Dhaawac daran oo Cali Dheere weerarkaasi kasoo gaaray ayaa loogu qaaaday caafimaad ahaan degmadda Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarka ka dhacay deegaanka hoostaga degmada Moqori lagu dilay sarkaal sare oo Shabaab ah oo lagu magacaabo Qoorgaab oo kooxdan u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, gaar ahaan kuwa ka howlgala Shabeelooyinka.

Si kastaba, si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada dowladda ee dhaawaca Cali Dheere, iyadoo dhowr jeer oo hore la sheegay in weerar lagu dilay Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuid Raage balse markii danbe soo hadlay.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.