Doorkii fanka Soomaalida ee gobonimo doonka xilligii gumeysiga iyo kacdoonkii looga soo horjeeday dowladdii Kacaanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Taxanaha BBC-da ee Dhambaallada Saxafiyiinta Afrika ayuu Ismaaciil Ceynaanshe ku eegayaa sida uu muhiim ugu yahay ku mudaharaadka muusigu; dhaqanka Soomaalida ee badbaadada.
Anigoo ku soo barbaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland horaantii sagaashamaadkii, ma jiro wax aan ka jeclahay la fadhiga habar yartey ee gudaha gurigayaga duqeynta lagu burburiyey halkaas oo habar yartey kula qaadeynna heesaha gobonima doonka ee Soomaaliya.
Waxaan oo dhageysaneynaa mid ka mid ah cajaladahayaga daxaleystay ee qadiimka ah, waxaana ka mid ka mid ah xidigaha muusiga ee aan aadka u jeclayn ee Saado Cali Warsame oo lagu yaqaan inay qaadi jirtay heeso lagu dhaleecaynayo xukunkii Milatariga ee Siyaad Barre.
Iyada oo adeegsanaysa hal-ku-dhegyo qani ah, waxa ay ku dhaliili jirtay dawladdii milateriga ahayd ee ku xaragoon jirtay gawaadhida raaxada iyada oo in badan oo shacabka ka mid ah ay “gaajo la il darraayeen”, waxaana ka mid ahaa heesaheeda heestii Landcruiser, taas oo dareen ku sii shidday dagaalladii sokeeye ee sababay in Siyaad Barre xukunka laga tuuro 1991-kii, ka dibna Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Intii lagu guda jiray kacdoonkaas, ciidamada milaterigu waxay ka baxeen Hargeysa – oo mar loo arki jiray inay tahay magaalada fanka iyo dhaqanka Soomaalida casriga ah oo ay markii hore ka bilowdeen mudaaharaadyadii gumaysi-diidku.
Waxay lahayd maktabadda dadweynaha ee ugu weyn dalka, waxay ku faantaa masraxiyad qurux badan oo Shiinuhu dhisay waxayna lahayd meelo kala duwan oo bandhig faneedyo lagu qabto, sidoo kale waxay ahayd hoy muusig oo kobcaya.
Hamuunta xorriyadda
Waxay ahayd 1940-meeyadii markii fanka casriga ah ee Soomaalida uu runtii la yimid hab faneed uu hormuud ka ahaa Cabdi Sinimo, oo loo yaqaannay “balwo”.
Sinimo waxa uu ahaa darawal kaxeeya baabuurta xamuulka masaafada dheer u qaada, sida sheekadu sheegaysana gaadhigii uu watay Sinimo ayaa maalin uu ka ciladoobay uu allifay hees intii uu hagaajinayey gaadhiga.
Waxaa halkaas ka dhashay kacdoon muusik oo ay ka mid ahaayeen fannaaniin waaweyn sida Xudeydi oo loo yaqaanay “boqorkii Cuudka” iyo Cabdullaahi Qarshe oo 1957-kii heestiisii Qoloba Calaneedu 53 sano ka dib loo qaatay heesta calanka Soomaaliya.
Heestan oo la sameeyay dhawr sano ka hor xornimadii Soomaaliya ee 1960-kii, waxay ka tarjumaysaa himiladii xorriyadda ee qaarada Afrika.
Xorriyadda oo horseedday in maal-gelin ballaaran oo dhanka waxbarashada iyo fanka ah la sameeyo, ayaa sannadihii 1970-aadkii noqotay xilligii dahabiga ahaa ee fanka Soomaaliyeed, iyadoo hoteello ku yaalla caasimadda Muqdisho, sida Al-Uruba iyo Jazeera Palace, lagu soo bandhigay bandhig faneed aad u xiiso badnaa oo loo soo bandhigay.
Waaberi ayaa ka soo baxday Tiyaatarka Qaranka oo ay maamusho dowladda, waxaana ay ka mid ahayd kooxo aad u fara badan oo sidoo kale socdaallo ku soo maray caalamka.
Gabdhaha bandhig faneedkan ayaa masraxa ku sugnaa iyagoo madax qaawan, waxaana kasoo baxay xiddigo ay ka mid tahay Magool oo caan ku ahayd heestii Afrikaay hurudooy oo ay ka hor qaadday shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo Muqdisho ka dhacay, iyadoo si xooggan uga digtay hoggaamiyeyaasha dalalka da’da yar ee qaaradda nooca cusub ee guumeysiga.
Fannaanadda kale ee ka tirsanayd Waaberi ee caanka noqotay waxay ahayd Maryam Mursal, oo ka mid ahayd fannaaniintii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee isku dhex dartay muusig dhaqameed iyo nooca muusiga jazz-ka oo casri ahaa xiligaas, taasoo la soo muuqatay halyeygii Maraykanka ahaa ee Nina Simone.
Madaxweynihii xiligaas Maxamed Siyaad Barre waxa uu hub ahaan u isticmaalay muusiga si uu ugu buunbuuniyo barnaamijkiisii kacaanka, waxaana fannaaniinta lagu qasbay in ay qaadaan heeso lagu amaanayo taliskii milatariga.
Markii ay Soomaaliya burburtay 1991-kii, xubnihii fanka, sida fannaaniinta intooda badan iyo boqolaal kun oo kale, ayaa dalka isaga cararay.
Muusiga gudaha dalka ayaa waxa uu soo wajahay waqti adag gaar ahaan 17-kii sano ee la soo dhaafay iyada oo Islaamiyiinta mayalka adag ay u arkayeen wax ka baxsan diinta Islaamka.
Kooxda Al-Shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo dalka gudihiisa ah ayaa mamnuucay in laga shido muusiga goobaha ay ka taliyaan.
Saado Cali Warsame oo ahayd fannaanadii caanka ahayd ee Soomaaliya oo dib ugu soo laabatay dalka sannadkii 2012-kii markaas oo ay ka noqotay xildhibaan, ayay Al-shabaab laba sano kaddib toogasho ku dileen, kaddib dil qorshaysan.
Fanka hal mar kacay
Waxaa ka mid ah Keynaan oo ah Soomaali kanadiyaan ah kaas oo heer sare ay gaadhay heestiisii Wavin Flag markii uu kusoo bandhigay koobkii aduunka ee 2010 – waxaana Keynaan eeddo u ah Magool.
Waxuu mar dhow hees la qaaday fanaanka kasoo shaac baxay gudaha dalka sharma Boy iyaga oo wada qaaday heesta (Waayo Waayo.)
Waa hees caalami ah oo caan noqotay, iyada oo ku dhawaad lix milyan oo qof ka daawadeen barta YouTube-ka, waxaana lagu heesayaa erayo isugu jira Soomaali iyo Ingiriisi – waxayna ka sheekaynaysaa sheeko dhiirri-gelin ah oo ku saabsan dadaal, adkaysi, hammi, rajo iyo mustaqbal ifaya.
Aragtideeda yididiilada leh waxay ka tarjumaysaa xaqiiqda ah in muusiggu uu mar kale ku soo kobcayo Soomaaliya – iyadoo xaflado muusig oo toos ah lagu soo celiyay Muqdisho iyo Hargeysa.
Aniga xageyga fannaanada sida dhabta ah weli uga tarjumeysa dagaalyahannimada Soomaalida ayaa weli ii ah Maryam Mursal. Laxankeeda quruxda badan, sheeko-nololeedkeeda iyo ereyadeeda awoodda leh waxay iila hadlaan si gaar ah.
Waxaan nasiib u yeeshay inaan mar ku arko iyada oo saaran masrax London ku yaal, markaas oo ay ku labisanayd diraac dheer, madaxduub midabba badan leh iyadoo gacmaheeda jinjimaha dahabka ahi ku xdhanyihiin u taagaysay dadka, waxayna qaadaysay heesteedii caanka ahayd ee Somali Udiida Ceeb.
Waxay ku saabsan tahay “hodannimada” muuqaalka Soomaaliya “ee aay colaaduhu burburiyeen”. Waxay heesta ku soo gabagabaysay, iyadoo Soomaalida ku ammaantay inay khilaafkooda meel iska dhigaan oo ay iska kaashadaan dib u dhiska dalkooda burbursan.
Credit: Source link