Cumar Filish oo dhagax dhigey Waddo loogu magac daray Dr Kadare
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadada DR Kadare, wadadaas oo tagi doonto Xeebta Dahab Mariina Beach.
Dhismaha wadadaan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada Caasimadda iyadoo sidoo kale qeyb ka noqon doonto dalxiiska ay dadweynaha ku tagi doonaan xeebaha wadadaas saaran.
Gudoomiyaha Rugta ganacsatada Soomaaliyeed Maxamud Cabdikariim Gabeyre ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin da’daal kaste oo lagu horumarinaayo Caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka mashruucan waxa uu sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeegya wax tar leh.
Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dib udhiska lagu sameynayo wadada Fagax oo kamid ah wadooyinkii ku bur buray dagaaladii so keeye ee dalka ka dhacay.
Credit: Source link