Ciidamo Burundi ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh.dhexe.

Mar 19 (Jowhar.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo gobolka Sh.Dhexe lagula eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Amisom, iyadoo qaraxa uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo si gaar ah xalay uga dhacay degmada Balcad ayaa qabsaday gaari Taw ah oo ay wateen ciidamada Burundi ee gobolka ka howlgalay, waxaana jugta qaraxa laga maqlay deegaano kamid ah gobolka.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney arkeen meydadka askar Amisom ah, iyadoo qaraxa kadib ay ciidamada rasaas dhowr jiho u fureen, taasoo shacabka ku keentay iney xili hore aqaladooda ku xaroodaan.

Kooxda Shabaab oo dusha u ridatay weerarkan ayaa sheegtay iney ku dishay 6 askari oo Amisom ah halka ay ku dhaawacday 3 kale, Shabaabku waxey kaloo sheegeen in dadka dhintay uu ku jiray sarkaal sare.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxaas ee ay Al-Shabaab shaacisay inay askar badan uga dishay, iyadoo kooxdan inta badan ay qaraxyo la eegago gaadiidka Amisom.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.