Cabsi laga qabo in Kooxda Shabaab ay weeraro ka geysato gudaha Mareykanka.

Mar 18 (Jowhar.com) -Saraakiil Mareykan ah ayaa go’aan qar iska tuurnimo ah ku sifeeyay talaabadii madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka Donald Trump uu January 2021-kii Soomaaliya uga saaray ciidamada Mareykanka oo howlgal culus ka waday dalkan dhaca geeska Afrika.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend ayaa si cad u sheegay in xiligan ay korodhay awooda Shabaab, wuxuu a si cad u muijiyay in kooxdan ay xiligan awood u leedahay iney weerar ka fuliso caasomadda Mareykanka ee Washington.

“Waxa aan tuhunsanahay in Al-Shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan Gobolka xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan sidaas” ayuu yiri Taliyaha AFRICOM.

Arrimaha ka taagan Ukraine iyo Itoobiya ayuu sheegay iney sii murjiyeen in lagu deg dego in si fudud dib dalka Soomaaliya loogu soo celiyo ciidamadii Mareykanka oo la howlgali jiray kuwa Soomaalida ah, iyadoo haatan ay haawaneyso xeradoodii ugu weyneyd dalkan ee Balidoogle.

“Waan dhiibtay Taladeyda waana u gudbiyay Xoghayaha Aqalka Cad waa in Madaxdeena aan siinaa fursad ay uga fakiraan wax weliba maadaama Xaaladda Ukraine ay tahay arrin soo korortay, Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka waxa ay joojiyeen howlgallada ay la fulinayeen Dhiggooda Soomaaliya sabab ka dhalatay Dagaalka Itoobiya oo hoos u dhigay dhaqdhaqaaqa Mareykanka” ayuu yiri Gen. Stephen Towsend.

Waxaa lagu qiyaasaa ilaa 700 askari ciidamadii Mareykanka ka joogay Soomaaliya, kuwaasoo ugu danbeyn bilowga sanadkii hore Maraakiib looga qaaday xeebaha soomaaliya, iyagoo haatan qaarkood ku sugan dalka Jabuuti oo saldhig weyn ay ku leeyihiin.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.