Booliska Mareykanka oo xabsiga dhigay muwaadin Soomaali ah oo dilay walaalkiis.

Mar 16 (Jowhar.com) -Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Booliska magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ay xabsiga dhigeen muwaadin Soomaaliyeed oo mindi ama toorey ku dilay walaalkiis ka weyn.

Sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka, Sakariya Hirad oo 20 jir ah ayaa mindiyeeyey oo nolosha dhaafiyay walaalkiis Mohamed Hirad oo isaguna da’diisa lagu sheegau 22 jir.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkan, waxaase socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee dalka Mareykanka, iyadoo dhacdadan argagaxa leh ay timid mudo yar uun kadib markii isla magaaladan lagu dilay Sheekh caan ka ahaa gobolka Ohio oo lagu magacaabi jiray Imaam Maxamed Xasan.

Si kastaba, Rabshadaha iyo dilalka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa aad ugu badan magaalooyinka Columbus iyo Minneapolis ee Mareykanka, Toronto oo Canada ah, iyo London oo UK ah, taasi waxey keentay in qoysas badan ay caruurtooda ula soo cararaan dalalka Soomaaliya,Kenya,Turkey iyo Masar, si ay uga badbaadaan rabshadahan.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.