ATMIS oo war ka soo saartay weerar lagu qaaday saldhigyadooda BuuloMareer
3500 ATMIS soldiers killed in Somalia
May. 26 (Jowhar.com)-Taliska ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee saakay Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamo katirsan ATMIS ku lahaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
WarSaxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in saakay Al Shabaab baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay kusoo weerareen xeradooda, waxa ayna sheegeen in ciidanka ATMIS iska difaaceen weerarkaadi.
ATMIS warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday dagaalyahannadii weeraray saldhigga ciidamada ATMIS, waxa ayna sheegeen in la bur buriyay dhammaan hubkii ay wateen Al Shabaab.
Credit: Source link